BAYDHABO (Kaab TV) – Sahro Maxamed Cali waa hooyo leh 7 carruur ah. Kahor barakacintii, waxay ku noolayd deegaanka Sagle ee gobolka Bakool, halkaas oo ay xoolo ku dhaqan jirtay.
Abaaraha soo noqnoqda, oo ka dhashay roob la’aanta ay sababtay isbeddelka cimillada, ayaa ku khasbay Sahro iyo carruurteeda inay u qaxaan xerada barakacayaasha ee ku taalla Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo ay hadda ku nooshahay.
Isbeddelka cimilada, oo sababay in beero badan ay baaba’aan iyo xoolo badanna ay dhintaan, ayaa si weyn u saameeyey qoysas badan oo ku noolaa miyiga, gaar ahaan haweenka carruurta haysta, kuwaas oo noloshoodu ay sii adkaatay.
Sahro, oo ah hooyo mas’uul ka ah carruurteeda, waxaa dantu ku qasabtay inay qabato shaqooyin aysan dumarku badanaa qaban, sida dhismaha.
Marka ay dadku yimaadaan xeryaha barakaca, waxay wajahaan nolol aad u adag. Ma jiraan gargaar joogto ah oo ay helaan, waxaana dadka intooda badan ku qasban yihiin inay ka raadsadaan magaalada shaqooyin maalinle ah si ay u helaan wax ay noloshooda ku maareeyaan.
Sahro hadda waxay ka shaqeysaa goob dhismo, subax walba waxay u kallahdaa si ay dhagaxaan iyo shamiinto u qaaddo, iyada oo maalintii ay shaqeyso lacag lagu siiyo casarka, taas oo ay u isticmaasho si ay raashin ugu iibiso carruurteeda.
Waxaan Sahro u raacnay hoygeeda oo ku yaalla xerada barakaca, halkaas oo carruurteeda yar yar ay ku sugayaan si ay markay shaqada kasoo laabato dabka ugu shido wixii raashin ah ee ay ku soo shaqeysay.
Ku dhowaad 4 milyan oo qof ayaa ku barakacsan gudaha Soomaaliya, sida ay sheegayaan tirakoobyada ugu dambeeyay ee QM ee sannadkan 2024.
Rajada dib u noqoshada
Sababaha ugu weyn ee barakaca waxaa ka mid ah colaado, amni-darro, abaar, iyo fatahaado ku dhuftay gobollo badan oo dalka ka mid ah. Gobollada Baay, Bakool, labada Shabeelle, iyo Muqdisho ayaa ah meelaha ugu badan ee ay dadka barakacayaashu ka yimaadeen ama ay u hayaamaan.
Saddexda gobol ee Baay, Bakool, iyo Shabeellooyinka waxay ahaayeen dhul beereed caan ku ahaa soo saarista cuntada ugu badan ee dalka Soomaaliya. Maantase waa meelo ay gaajo dadku ku nool yihiin.
Dadka barakacayaasha ah, oo ay ku jiraan Sahro iyo carruurteeda, waxay ku nool yihiin xeryo aan lahayn adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Nolosha xeryaha waa ku-meel-gaar, taasoo khatar dheeraad ah ku ah badbaadada haweenka iyo carruurta. Rajada dib ugu noqoshada deegaanadooda wali ma muuqato, maadaama colaadaha ay sii socdaan, isbeddelka cimiladuna uusan wax wanaag ah ka muuqan.
Sahro ma dareensana in dhirtii dhuxusha ay ka shidi jirtay iyo saameyntii ka dhalatay ay qeyb ka tahay xaalufka deegaanka ku dhacay ee ugu dambeyntii sababay inay iyada iyo xoolaheedii ay waayaan biyo iyo deegaan lagu noolaan karo, taasoo markii ay xoolihii ka le’eyeen ay iyada iyo carruurteeda hadda u qaxeen xeryaha barakaca ee Baydhabo.