SO | EN

SO | EN

Sanaag: 5 ruux oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Dhahar

|

GAROWE (Kaab TV) – Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag Talaadadii shalay ka dib markii ciidanka Puntland iyo ciidamo deegaanka ah.

Goob joogayaal ayaa Kaab TV u sheegay in ciidamada amaanka Puntland oo ku sugnaa deegaanka Qol ee duleedka magaalada ay ku guda jireen sugidda amaanka deegaanka ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya maleeshiyaad dhaqdhaqaaq ka wada Dhahar.

Dagaal ayaa ka dibna dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka deegaanka.

Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa lasheegay inay ahayeen ciidamada amaanka, halka midka shanaad uu ahaa maleeshiyaadka la dagaalamay ciidanka.

Xaaladda ayaa saaka oo Arbaco ah deggan, waxaana magaalada Dhahar hadda gacanta ku haya ciidanka Puntland.

Dadka rayidka ayaa la sheegayaa inay magaalada ka qexeen shalay oo ay aadeen duleedyada magaalada, iyadoo weli xiisadda colaadeed ay tahay mid taagan.

Wariyaha Kaab TV ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah odayaasha beelaha deegaanka ay soo saareen baaq nabadeed oo ay ku dalbanayaan in labada dhinac ay dagaalka joojiyaan, dadka shacabkana loo ogolaado inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Hase yeeshee dadweynaha rayidka ayaa weli ka maqan magaalada oo inteeda badan haawaneysa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News