CEEL BUH (Kaab TV) – Xiisadda colaadeed ee ka jirta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sare u kacday ka dib markii hadallo hanjabaado ah ay is weydaarsadeen beelaha Warsangeli iyo Isaaq ee wada dega gobolka.
Khamiistii waxaa bayaan soo saaray beelaha Warsangeli oo shir uga socday degmada Ceel Buh ee gobolka Sanaag.
Shirkaas lagu soo gabagabeeyay Ceel Buh waxaa ku baaqay Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayna soo ajiibeen Isimo, Nabadoonno, Guurti, Dhalinyaro, Qurbajoog iyo Waxgaradka Warsangeli.
Shirku wuxuu daba joogay dagaallo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed sababay oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag muddo ka socday.
Tan iyo dhammaadkii bishii Nofembar 2024 waxay iska horimaadyo goos goos ah magaalada dhexdeeda iyo dibadeeda ku dhexmarayeen maleeshiyaad beeleedyada Warsangeli/Daarood iyo kuwa Habar Jeclo/Isaaq.
Waxaa sidoo kale dagaalladan ka qeyb galay ciidamo ka yimid dhanka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland oo kala safnaa dhinacyada dagaalamay.
Khasaaraha dhimashada lagama hayo tiro rasmi ah, hase ahaatee waxaa lagu qiyaasayaa in ka badan 20 tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.
Bayaanka Warsangeli
Beelaha Warsangeli waxay colaadda Ceerigaabo ku eedeeyeen Somaliland, waxayna sheegeen in la jabiyay heshiis u dhexeeyay Isaaqa iyo Warsangeli oo la gaaray 1993 ka dib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.
Heshiiskaas oo la saxiixay bishii Nofembar 1993 ayaa u dhexeeya odayaasha qabaa’ilka, wuxuuna ka madax-bannaanaa wax maamul ah. Wuxuu horseed u ahaa nabadda iyo deganaanshaha ay ku wada noolaayeen qabaa’ilka deegaanka.
Bayaanka Beelaha Warsangeli waxay kaloo ku sheegeen inay magacaabeen guddi 35 xubnood oo u xilsaaran abaabulka “difaaca dadka Warsangeli iyo hantida ee gudaha Ceerigaabo”.
“Shirku wuxuu ugu baaqaayaa beesha caalamka iyo Hay’adaha Gargaarka bini’aadannimo in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan bulshada laga soo barakiciyey deegaanadoodi iyagoo xilligan ku sugan duruufo adag,” ayuu yiri afhayeenka shirka Cali Yare Guray Dirir.
Suldaanka Warsangeli oo ah odayga ugu sarreeya beesha ayaa ku baaqay inay qaban doonaan shirweyne ay uga arrinsanayaan aayahooda bisha Febraayo.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Somaliland, maadaama ay iyagu ka taliyaan Ceerigaabo.
Waxaase jirtay in dhowr jeer mas’uuliyiinta sare ee Somaliland oo ugu horreeyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu ku baaqay in hab wada hadal ah lagu xalliyo colaadda Ceerigaabo oo qaab qabiil ku socota.
Hase yeeshee waxaa dhankiisa warbaahinta la hadlay Boqor Cismaan Buurmadow oo ah oday dhaqameedka beesha Habar Jeclo oo sheegay inay hore ugu baaqeen nabad, balse wuxuu sheegay in maleeshiyaadka beeshiisu ay weli ku diyaarsan yihiin Ceerigaabo ayna is difaaci doonaan haddii lagu soo weeraro Ceerigaabo.
Ka dib hadalladan ayaa waxaa cirka isku sii shareeray hub urursiga iyo diyaarinta malleeshiyaadka, waxaana hadda cabsi weyn laga qabaa in markale uu dagaal ka qarxo Ceerigaabo oo ahaan jirtay magaalo nabadeed oo jawi qabow iyo barwaaqo heysata.
Iibka hubka iyo rasaasta ayaa sare u kacay gobolka, waxaana xogo aan helnay ay tilmaamayaan in hub kala duwan uu si xawli ah ku soo galayo gobolka Sanaag.
Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay ku dhawaad 43,000 oo qof inay Ceerigaabo ka qexeen tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay magangelyo ugu firxadeen degaannada ku xeeran, oo ay ku jiraan meelaha nabdoon ee degmada Ceerigaabo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadku ay u guureen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ka mid yihiin Ceel Afweyn iyo Laasqoray iyadoo dad aan tiradooda la cayimin ay gaareen qeybo ka mid ah degmooyinka Boosaaso, Laascaanood, Xuddun iyo Burco.