Muqdisho (KAAB TV) -Ugu yaraan 20 Tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintay Badweynta Atlaantigga xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan magaalo xeebeedka Palma ee dalka Spain, sida ay mas’uuliyiintu xaqiijiyeen Jimcihii, iyadoo rajo-xumo sii kordhaysa oo dhinaca dhaqaalaha ah ay weli sii waddo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay galaan safarro khatar ah.
Labo qof oo kaliya ayaa laga soo badbaadiyay dooni ay saarnaayeen in ka badan labaatan qof, kuwaasi oo dhamaantood ka cararay shaqo la’aanta baahsan iyo fursadaha yar ee ka jira Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta Spain.
Dadka dhintay ayaa lagu soo waramayaa inay ka kala yimaadeen gobolada Puntland iyo SSC-Khaatumo ee Soomaaliya. Doonta sida xad dhaafka ah loo raray ayaa dhowr maalmood dul mareysay ka hor inta aysan helin kooxaha gurmadka.
Sanado badan oo dhaqaale xumo, maamul xumo, iyo cadaalad la’aan ka jirtay waaxyaha shaqo ee kooban ee dalka ayaa horseeday tahriibka aan caadiga ahayn. Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa rajo xumo ka muujiyay mustaqbalkooda dalka, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka naftooda biimeynaya si ay u gaaraan Yurub.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, waxa uuna dowladda ku dhaliilay in ay dayacday dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay ku guul darreysatay in ay abuurto xaalado nolol sharaf leh oo gudaha dalka ah.
Musiibadan ayaa ku soo beegantay bilooyin un ka dib dhacdo tan la mid ah oo ka dhacday Badweynta Hindiya ee u dhow Madagaskar, halkaasoo 24 tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhinteen xilli ay ku sii jeedeen nolol wanaagsan oo dibadda ah.