Muqdisho (Kaab TV) – Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa bilaabay in ay ka baxaan qaar kamid ah xeryihii ay ku sugnaayeen, waxa ayna ciidankan saldhigyada ay ka baxeen ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saneey Cabdulle ayaa ciidanka ATMIS kala wareegay difaacyadii ay ka daganaayeen magaalooyinka Miirtaqwo, Xaaji Cali, iyo Cadale oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.
Ciidamada ATMIS ayaana banneeyay saldhigyadii ay kaga sugnaayeen magaalooyinkan dhaca gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna fariisimihii ay ka baxeen ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka oo saldhigyo ka dhigan doona.
Ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa bilaabaya in ay si tartiib tartiib ah saldhigyada ay joogaan ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka, ciidankan ayaana qorsheenaya in si buuxda ammaanka dalka ugu wareejiyay ciidanka xoogga dalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha dalka, laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishaan June ee 2023-ka.
Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ciidamada howl-galka ATMIS ugala wareegtay xerada Maslax oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay muddo sanado ah daganaayeen ciidamada Burundi.
Tallaabooyinkan ayaa waxay qayb ka yihiin qorshayaasha ay dowladda federaalka kula wareegayso amniga guud ee dalka, xili wasaaradda Gaashaandhigga ay shaaca ka qaaday inay ku filan yihiin ciidamada Soomaaliyeed.
Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee ka billowday gobollada dalka, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.