Hargaysa (KAAB) Magaalada Hargaysa ee Somaliland waxa gaaray ciidamo ka socdo Dowladda Itoobiya oo dhowaan shaacisay in heshiis ay la gashay maamulka Somaliland kaas oo cara badan uu ka dhashay.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Somaliland waxaa halkaas – gaaray ciidamo ka socda Itoobiya , waxaana wali la shaacin sababta ugu wayn ee halkaas ay u gaareen.
Ciidankan ayaa la sheegay in ay fariisimo ay ka samaysteen dhawr meel oo ka mid ah magaalada Hargaysa halkaas oo laga celiyay in ay ka soo degto diyaarad gaar ah oo xubno sare siday oo ka socday Itoobiya.
Waxaa lagu soo waramayaa in madaxda Somaliland ay doonayaan in magaalada Hargaysa ay ka soo dagaan xubnaha Itoobiyaanka kuwaas oo la sheegay in horudhac u yihiin dhamaystirka heshiiska maamulka Somaliland iyo Itoobiya.
Itoobiyanka ayaa amnigooda ku halayn waayey maamulka Somaliland, waxaana wararku sheegayaan in loo baahdey ciidamada gaarka ah ee Itoobiyaanka.
Itoobiya ayaa xoog ku bixinaysa sidii ay u heli lahayd badda taas oo ku ku riixday in maamulka Somaliland heshiiskan oo cara badan dhaliyay ay la gasho waxaana aad u xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday haddii talaabo hore ay u soo qaado Itoobiya dagaal jawaab u ah tan ay qaaday , waxaana socdo isku dayo la doonayo in xiisada labada dhinac lagu dejiyo.