SO | EN

SO | EN

Saraakiil iyo askar badan oo xabsiga la dhigay kaddib markii ay furimaha kasoo carareen amar la’aan

|

Muqdisho (KAAB TV) – Taliye horin oo katirsanaa milatariga Soomaaliya iyo askar kale oo lagu eedeeyay in amar la’aan uga soo baxeen furumaha hore ee dagaalka ayaa xabsiga la dhigay, waxaana askartaasi ku socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta ay furumaha uga soo baxeen.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute), oo ku sugan furumaha hore ee dagaalka ayaa sheegay in xabsi kuyaalla Muqdisho ku xiran yihiin taliye hurin iyo askar kale oo cadawga u banneeyay furumihii ay joogeen.

Dhanka kale, Waxa uu sheegay guddoomiye Shuute in xabsiga ku jiraan askartii furimaha kasoo baxay, waxa uuna ku bogaadiyay askarta kale ee ku sugan furumaha dagaalka in ay sameeyaan adkeysi badan xlligan oo soon ah kana difaacaan cadawga dadka iyo deegaanka.

“Ciidamadii baxsaday ee Xamar aaday way xir xiran yihiin, kuwiina inta joogo waxaa la’idinka rabaa dadaal, waxaa lagu jiraa Ramadaan ee dhiniciina yay dabeyl naga soo gelin” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye Shuute ayaa caddeeyay sargaalkii iyo askarigii ka carara furimaha dagaalka loo xisaabinayo in uu dhintay oo kale, waxa uuna askarta kula dardaarmay in waajibkii ay u dhaarteen ka dhabeeyaan una huraan naftooda diinta, dalka iyo difaaca dadka Soomaaliyeed.

“Xittaa nin taliye horin ayaa ayaa iska tegay furintii uu joogay, ogaada xittaa haddii taliyihiina ugu wayn uu dhinto sow ma shaqeyn lahayn? qofkii tega inuu dhinto ayaa laga soo qaadaa” ayuu yiri guddoomiye Xasan Nuur Shuute.

Sikastaba, Xariga loo geestay askarta kasoo baxday furumaha dagaalka ,ayaa kusoo aadaya xilli kooxda Al Shabaab dib usoo laba kacleysay lana wareegeen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe oo horey u joogeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News