SO | EN

SO | EN

Saraakiil katirsan Booliska Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) – Wafdi ka socda Booliiska Gaarka ee Ozil Harakat ee Dowlada Turkiga, ayaa maanta booqasho kooban ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, S/Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed Kaniif iyo Saraakiil kale ee Booliiska Soomaliyeed ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde ku soo dhaweeyey Saraakiisha.

Wafdigaan ayaa u yimid Muqdisho  in ay booqdaan, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowladda Turkigu tababarto.

Wafdiga oo ka koobnaa Afar Sarkaal ayaa dhamaantood ka socday Ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin.

Taliyaha özel, Harekat Taliyaha, Arimaha Dibadda Taliye, kuxigenka, Arimaha Dibadda Iyo Sarkaal katirsan özel harekat.

Booqashadaan rasmiga ah ayaa mudo dhan dhowr cisho wafdiga ku joogi doonaan Caasimadda Soomaaliya ee  Magaalada Muqdisho, iyaga oo kulamo la qaadan doonaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News