MUQDISHO (Kaab TV) – Xubno saraakiil ah oo ka tirsan hay’adda nabadsugidda Soomaaliya iyo hawlwadeennada garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa la ogaaday inay ku lug leeyihiin soo dejinta daroogada oo ay ku jiraan noocyada kaniiniyada iyo tahriibinta dadka sharci darrada uga dhoofa garoonka.
Muuqaalo CCTV camera oo uu heley Kaab TV ayaa muujinaya labo sarkaal oo ka mid ah hawlwadeennada garoonka oo toos boorsooyin uga soo gudbinaya qeybta soo degista dadweynaha halkii ay ahayd in qofka safarka uu boorsadiisa qaato.
Ilo wareedyo ku sugan garoonka ayaa noo sheegay in muddo dheer ay garoonka ka socdeen hawlo qarsoodi ah oo daroogada lagu soo galiyo dalka.
Bishii Sebtembar, ciidanka booliska Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku qabtay illaa 189 kartoon oo daroogada noocyadeeda kala duwan oo ay ku jiraan kaniiniyaal halis ah, oo lasoo gelin rabay Muqdisho.
Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in daroogada ay ku jirtay kartoomo loo soo ekeysiiyay sidii alaab caadi ah, lagana keenay dalka Kenya.
Booliska ayaa sheegay in alaabtaasi la gubay oo dabka la qabadsiiyay.
Hase yeeshee lama xirin dadkii watay.
MUUQAALADA CCTV
Muuqaalada CCTV camerada ay duubtay ayaa muujinaya hawl wadeennada garoonka oo xiran jaakada yellow vest ee lagu aqoonsado shaqaalaha, kuwaas oo sida labo boorso oo mid ah tahay tan dusha la saarto (backpack) iyo boorsada dharka ee la jiido.
Ilaha ayaa sheegay in boorsooyinkan laga soo diray Kenya, marka ay garoonka yimaadaana loo xilsaaro inay gudbiyaan hawl wadeeno ku sugan garoonka.
Saraakiil ammaan ee garoonka sida taliyaha NISA, Col. Xamdi Xasan, ayaa lagu eedeeyay inay dusha ka maamusho shakabaddan ku hawlan dembiyada abaabulan.
Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan kooxaha abaabulan ee dembiyada inay dadka tahriibka ka gudbiyaan garoonka iyagoo lago kumanaan doolar ah ka qaata.
Bishii Dember 2025, masuuliyiinta waaxda socdaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen saraakiil ka shaqeysa garoonka oo ku hawlanaa tahriibinta sharci darrada ee dadka.
MOGADISHU AIRPORT CCTV: A hidden camera investigation reveals how organised crime groups are smuggling drugs into #Mogadishu airport.
The drugs, shipped from overseas, are being facilitated by corrupt airport staff and security employees mainly from @HSNQ_NISA who act as… pic.twitter.com/o6JLLF67zE
— Kaab TV (@KaabTV) April 26, 2026
Waxay mas’uuliyiintu sheegeen inay qabteen baasabooro been abuur ah oo isugu jira kuwa dalalka Europe, UK iyo Mareykanka oo si been abuur ah loo isticmaalay si dad sharci darro ah loogu tahriibiyo.
Illaa hadda lama horkeenin maxkamad kooxdaasi.
Waxaa jira walaac weyn oo hay’adaha amaanka ee gobolka ka qabaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ah garoonka ugu weyn ee ay duulimaadyada dibadda ka dhoofaan. Walaacaan ayaa yimid ka dib markii ay soo bexeen xogo muujinaya in xubno ka tirsan kooxaha argagixisada ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dhanka kale, booliska Muqdisho ayaa maanta xiray labo sarkaal oo ka tirsan shirkadda Favori LLC ee Turkey taasoo maamusha garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, waxaana lagu eedeynayaa musuqmaasuq iyo dayacaad sida ilo dhanka amniga u sheegeen Kaab TV.

