MOGADISHU (KAAB TV) – Saraakiisha ugu sareysa ciidamada dalka Jabuuti oo uu horkacayo Korneyl Abourahman Abdi Dembil ayaa wada hadalo la yeeshay wakiilo ka socday dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku saabsan wajiga 3-aad ee dhimista ciidamada ee ATMIS.
Kulanka oo Axaddii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda amni iyo qorshaha dhimista ciidamada ee howlgallada ATMIS.
Axadii, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mo Elamine, ayaa kula kulmay Xarunta Dhexe ee Ciidamada Jabuuti Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Jabuuti.
Mawduucyada ugu muhiimsan ee laga dooday waxaa ka mid ahaa “horumarka howlgallada ATMIS-ka, xaaladda amniga ee hadda ka jirta Soomaaliya, iyo saameynta istaraatiijiyadeed ee wejiga 3 ee dhimista ciidamada ATMIS.”
Waxaa goob joog ka ahaa Sarreeye Guuto Kindu Gezu oo ah Taliyaha Ciidanka ATMIS, iyo mas’uuliyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Cali Maxamed Cumar Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Cabdixakiim Yuusuf.
Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay dadaallada iskaashi ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya ee ku aaddan howlaha ATMIS, iyadoo xoogga la saaray sidii ay uga go’an tahay amniga iyo xasilloonida gobolka.
Natiijooyinka ka soo baxay wada-hadalladan ayaa la filayaa in lagu wargeliyo go’aamo istiraatijiyadeed oo ku saabsan dhimista wejiyada dhimista ciidamada ATMIS iyo dadaallada amniga ee Soomaaliya ka socda.

