SO | EN

SO | EN

Kenya oo daad guraysay dalxiisayaasha ku xayiran kaydka qaranka Maasai Mara ee daadku soo rogmaday.

|

KENYA (KAAB TV)- Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ay bilaabeen daadgureynta dadka dalxiisayaasha ah ee daadadku ka soo rogmaday seeraha qaranka caanka ah ee Maasai Mara ee ku yaalla kowntiga koonfur galbeed ee Narok.

Barasaabka ismaamulka Narok Patrick Ntutu ayaa sheegay in labo diyaaradood oo helicopter ah la geeyay si ay u badbaadiyaan dalxiisayaasha iyo shaqaalaha magaalada Maasai Mara.

Dad bada oo dalxiisayaal ah iyo dad deegaanka ah oo ka shaqaynayay hoteello, hoolyo iyo teendhooyin ku yaalla gudaha Maasai Mara ayaa si dirqi ah uga badbaaday dhimashada subaxnimadii Arbacada markii wabiga Talek, oo mara goobta lagu xanaaneeyo duurjoogta, uu qararka jabsaday ka dib roobab mahiigaan ah oo sababay burbur baahsan.

Ntutu ayaa sheegay in dhammaan dadkii soo booqday iyo shaqaalihii si nabad ah loo daadgureeyay loona wareejiyay hoteellada iyo xerooyinka u dhow oo aysan wax daadad ah ka jirin.

“Waxaan hirgelineynaa qorshooyin oo aan abaabuleyno agabka si aan si dhaqso ah uga jawaabno wicitaannada murugada leh oo aan u hubinno badbaadada dadka deggan. Waxaa naga go’an inaan gudano waajibaadkeena ah inaan ilaalino oo aan u adeegno dadka waqtiyadan adag,” Ntutu ayaa ku yiri hadal uu kasoo saaray magaalada Narok.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dadka soo booqday iyo shaqaalaha lagu qasbay in ay geedo fuulaan habeenimadii Talaadada ka dib markii xerada ay biyo mareen; Hoolalka lagu cunteeyo ayaa ahaa kuwo ay biyuhu buux dhaafiyeen, heerka biyuhuna waa ay sii kordheen.

Kenya ayaa la tacaalaysa fatahaado galaaftay nolosha 179 qof, halka in ka badan 190,000 oo qof ay ku barakaceen, sida lagu sheegay tirakoobka dowladda.

Alfred Mutua, oo ah Xoghayaha Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta Alfred Mutua ayaa ku booriyay hoteelada iyo xeryaha ku dheggan webiyada ee ku yaal seerayaasha waaweyn ee qaranka iyo kaydka in la dejiyo tillaabooyin daad-gureynta haddii ay daadad dhacaan.

“Dhowr xero ayaa waxaa saameeyay daadad, taasoo keentay dadaalladayada isku dubaridka ah ee lagu daadgureynayo dadka soo booqda, waana ku guuleysanay ilaa hadda,” Mutua ayaa yiri.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News