Hargeysa (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska maamulkaasi, kaddib markii khilaaf uu soo kala dhax galay sargaalka iyo askari ilaalo u ahaa
Wararka ayaa intaasi ku daryay in taliyihii saldhigga degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, uu geeriyooday, kadib markii uu toorrey la dhacay askari la sheegay in uu katirsanaa ilaaladiisa.
Sidoo kale, askariga dilka geestay ayaa la sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyay taliyihiisa uuna si gaadmo ah toorey ugu dhuftay, waxaana taliyaha la sheegay in dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday, lmana faahfaahin khilaafka dilkan keenay.
Ugudambeyntii, ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay askarigii dilka u geestay taliyihiisa, waxaana la sheegay in hadda socdaan baaritaanno ku aadan waxa sababay dilka askarigan u geestay taliyihiisa.