Muqdisho (Kaab TV) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay sargaal ka tirsan booliiska Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ilaalinta canshuuraha bariga oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.
Sargaalkan loo gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ahaa taliyaha ciidanka ilaalada xafiiska canshuuraha bariga ee degmada Warta Nabadda , kaas oo xafiiska xeer ilaalinta aysan shaacin magaciisa.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaaday tallaabooyin ay uga hortageyso musuq maasuqa, waxaana hadda xiran saraakiil iyo masuuliyiin loo heesto musuq maasuq, halka qaar kalana waaran soo qabasho ah loo jaray.
Qaar kamid ah masuuliyiinta iyo saraakiisha loo heesto musuq maasuqa loona jaray waaranka soo qabashada ayaa qaarkood dalka isaga baxsadeen, halka qaar kalana magaalada Muqqdisho iyo gobolada qaar ku dhuumaaleesanayaan.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa eedeysanahan isla maantaba u gudbisay xabsi ku-meel-gaar ah si loo soo dhameystiro baaritaankiisa loona bilaabo maxkamadayntiisa.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay u gudbisay, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska.