Dhuusamareeb (KAAB TV) – Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin loo heysto inuu xalay dil u geystay L/Xidigle Xasan Quuri oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, qeybta Galmudug.
Sidoo kale, dilkaas ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howlgal saakay ay fuliyeen ciidamada amniga ugu suurto gashay in gacanta kusoo dhigaan ninkii dilka geestay oo isku dayayay in uu ka baxsado laamaha amniga.
Dhanka kale, Taliyaha saldhigga boliiska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gacanta kusoo dhigeen dilaaga, waxa uuna xusay in ay ku socdaan baaritaan si deg deg ahna caddaaladda loo horgeyn doono.
Sikastaba, dowlad goboleedka Galmudug, ayaa inta badan askarta iyo dadka kale ee dilalka geesta waxaa loo soo qabtaa si deg deg ah, waxaana lagu fuliyaan xukunno dil ah oo ku ridaan maxkamadaha halkaasi kuyaalla.