Kismaayo (KAAB TV) – Waxaa maanta magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, lagu soo bandhigay nin sargaal ah oo la sheegay in dowladda Soomaaliya hub iyo lacag badan siisay, si uu qal qal u galiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.
Cabdishakuur Axmed Caali (Faarso), ayaa kamid ahaa xubnaha siyaasad ahaan kasoo horjeeday Madaxweynaha Jubbaland, waxaana ninkan la sheegay in taageero ka helayay Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ra’isul Wasaaraha.
Sidoo kale, Faarso ayaa sheegay in uu qaatay go’aan ah inuu dib ugu soo labato dadkiisa iyo deegankiisa, waxa uuna raaligalin ka bixiyay ficiladiisi hore, isagoona sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo maamulka Jubbaland uuna arkay hagarta dowladda Soomaaliya la damacsan tahay dadkiisa iyo deegaankiisa.
Ugudambeyntii, Ninkan maanta isku soo dhiibay ciidanka maamulka Jubbaland lana soo bandhigay, ayaa sidoo kale wareejiyay hub tiro badan iyo rasaas la sheegay in dowladda Soomaaliya siisay, waxa ayna tani dhabar-jab ku tahay Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ku fashilmay dagaal siyaasadeedkii uu la galay Axmed Madoobe.