Jowhar (KAAB) Wararka aan ka helayno magaalada Jowhar ee Shabeellaha Dexe ayaa sheegaya in halkaas qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay.
Qaraxan ayaa lala eegtay sida la sheegay saraakii ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka waxaana wehliyay koox ka mid ah Macwiislayda dagaalka kala soo horjeeda Al- Shabaab
Wararka ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay sarkaalka , halka mid kale oo macwiislay ahna uu dhintay ka dib qaraxa lala eegtay gaari ay saarnayeen.
Ma jirin dhaawac ka dhashay qaraxan marka laga reebo dhimashada sarkaalkaas iyo Macwiislayda sid ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas oo ay tilmaameen in ay ku dileen labo sargaal uu midkood katirsanaa ciidanka dowladda, halka kan kalana uu kamid ahaa ragga hoggaamiya macawuusleyda.
Waxa ay sheegtay Kooxda in labadan sargaal ay dileen ay kaalin weyn ku lahaayeen dagaalka looga saaray gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ku eedeeyeen Abuukar Miiney in horey dad shacab ah ugu laayay deegaanka Gololey ee duleedka Balcad.