Beledxaawo (Kaab) – Wararka naga soo gaaraya goboolka Gedo ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka lagu dilay qarax ka dhacay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.
Qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano miinada ayaa waxa lasoo warinaya in sarkaalka loogu xiray sariirtii uu ku jiifay. Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Dhamme Maxamed Aweys wuxuuna ahaa taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka.
Taliyaha la dilay ayaa maalmo ka hor la wareegay xeradii ay soo banneeyeen ciidamada Gorgor ee muddada dheer ku sugnaa gobolka, kuwaasi oo halkaasi looga soo saaray amarka madaxweyne Xasan Sheekh.
“Meesha ay wax ka dhaceen waa xerada ciidanka, waxay ka go’an tahay xeradu magaalada inteeda kale, dadka shacabka meel ay ka warqabi karaan waxa ka jira ma ah. Waxa nala yiri ninkii taliyaha meesha ahaa sariirtu seexanaayay ayaa qarax loogu xiray, waxa nala yiri oo kale barsad uu harsanaayay oo xalay ku baryey ayaa loogu xiray qaraxa,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacada Shabelle.
“Dagaal lagu soo qaaday iyo xabado socday majiro. Qaraxaas kaliya ayaa dhacay oo magaalada waa xiran tahay oo waa bandow, magaalada intaas ayaa ka dhacday oo halkaasna qarax ayaa ka dhacay.”
Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu saaxib dhow la ahaa taliyihii hore ee Nabad-sugidda gobolka Gedo, Baakal Kooke oo isagana qarax lagu dilay daba-yaaqada sanadkii hore.
Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka sarkaalkan, iyada oo warbaahinta kooxda oo soo xiganaysa saraakiil Al-Shabaab ah ay sheegeen in uu ahaa “howl-gal si heer sare ah loo qorsheeyay”, islamarkaana ay fuliyeen ciidamadooda.
Kooxdu faah-faahin intaas ka badan kama bixin dilkan miinada loo adeegsaday ee ka dhacay gudaha xerada ciidanka ee ku taalla duleedka Beledxaawo.
Qaraxan uu ku dhintay taliye Dhamme Maxamed Aweys ayaa durbaba waxaa kasoo baxaya tuhuno kala duwan, maadama qaraxa galaaftay noloshiisa looguna xiray sariirtiisa, isla xerada ciidanka dhexdeeda.
Illaa hadda ma-jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan qaraxa lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geesta ka fulisa gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku hayaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.