SO | EN

SO | EN

Sarkaal sare iyo Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

|

Laascaanood (Kaab TV)– Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta sarkaal sare iyo ciidamo uu wato oo kasoo goostay Somaliland lagu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka SSC sarkaalkan ayaa lagu sheegay inuu hadda ahaa Abbaan-duulihii Qeybta 7-aad ee ciidamada Somaliland sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay sidoo kale waxaa la socday ciidamo wata gaadiid dagaal kuwaas oo toos ugu biiray SSC-Khaatumo oo haatan dagaal kula jirta milatariga Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka is dhiibay uu ka mid ahaa ciidamadii uu hogaaminayay Mahad Cambaashe ee bilo kahor laga saaray gudaha magaalada Laascaanood sida xogta an ku helnay waxa ay sarkaalkan iyo ciidamadiisa ay haatan kasoo baxeen xero ay ku lahaateen deegaanada Samakaab iyo Yagoori oo ay muddo dheer joogeen ciidamadan usoo goostay dhanka SSC ayaa ka mid noqonaya askar maalmihii u dambeeyay ku biireysay ciidanka dadka degaanka ayaga oo kasoo baxay Somaliland.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan arrinta ciidamadaas uga soo goostay dhanka SSC oo dagaal kula jirta maamulkaasi ma’aha ciidamo oo kaliya waxa isa soo dhiibaya waxaana kamid ah mas’uuliyiin sar sare oo uu ugu dambeeyay Daahir Maxamed Axmed oo ahaa madaxa waxbarashada gobolka Sool ee Somaliland kaas oo shalay ku biiray SSC-Khaatumo.

Ninkan ayaa sidoo kale lasoo goostay gaadiid dagaal oo ay lahayd Somaliland waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Laascaanood xaaladda ayaa weli cakiran waxaana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ay sheegayaan in ciidanka labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan duleedka magaaladaas waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News