SO | EN

SO | EN

Sawirro: Bariire, Shabeellaha Hoose ka dib markii laga saaray Al-Shabaab

|

AFGOOYE (Kaab TV) – Dhowaan ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa degmada Bariire ka saaray kooxda Al-Shabaab oo halkaasi qabsatay bilo ka hor.

Al-Shabaab ayaa degmadaasi haysatay muddo bilooyin ah, iyagoo jaray buundada Bariire oo horey ay u dhiseen hay’adaha caalamiga ee taagera Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa degmadaasi haysatay muddo bilooyin ah, iyagoo jaray buundada Bariire oo horey ay u dhiseen hay'adaha caalamiga ee taagera Soomaaliya. | Sawirka October, 2025
Al-Shabaab ayaa degmadaasi haysatay muddo bilooyin ah, iyagoo jaray buundada Bariire oo horey ay u dhiseen hay’adaha caalamiga ee taagera Soomaaliya. | Sawirka October, 2025

Kaab TV ayaa heshey sawirradii ugu horreeyay ka dib weerar culus oo duqeyn cirka iyo dagaal toos ah isugu jiray, oo ka dhacay degmada Bariire oo ka mid ah degmooyinka muhiimka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Masaajidka Bariire oo duqeyn diyaaradeed lagu beegsaday | Sawirka July 2025.
Masaajidka Bariire oo duqeyn diyaaradeed lagu beegsaday | Sawirka July 2025.

Sawirrada ayaa muujinaya duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday masaajidka Bariire, kaas oo sida la sheegay ay geysteen diyaaradaha duuliye la’aanta ee dowladaha taageera Soomaaliya.

Burburka guryo ku yaalla degmada Bariire. | Sawirka October 2025.
Burburka guryo ku yaalla degmada Bariire. | Sawirka October 2025.

Al-Shabaab ayaa muddadii ay heysteen degmadan muhiimka ah isku dayey inay jaraan dhammaan waddooyinka soo gala degmada, hase ahaatee ciidanka AUSSOM, gaar ahaan kuwa Uganda iyo ciidanka Soomaaliya ayaa ugu danbeyn la wareegay Bariire.

Haweenka Bariire oo hawlo nadaafadeed ka wada Bariire. | Sawirka October, 2025.
Haweenka Bariire oo hawlo nadaafadeed ka wada Bariire. | Sawirka October, 2025.

Haweenka degmada Bariire oo horey uga qaxay degmadaasi ayaa bilaabay inay nadiifiyaan suuqa degmada Bariire iyo goobaha muhiimka ah, ka dib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degmada.

Haweenka Bariire oo hawlo nadaafadeed ka wada Bariire. | Sawirka October, 2025.
Haweenka Bariire oo hawlo nadaafadeed ka wada Bariire. | Sawirka October, 2025.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News