SO | EN

SO | EN

Sawirro: Dadka ka baxsanaya colaadda Sudan

|

Qaahira (Kaab TV) – Qoysaska Suudaan ayaa arbacadii isugu soo baxayay meel xudduudda ah oo Masar la wadaagto iyo magaalo deked ah oo ku taal badda cas, iyaga oo si quus ah isku dayaya in ay ka baxsadaan rabshadaha dalkooda ka socda.

Dadka ka qaxaya Khartoum ayaa mararka qaar ku sii jira safar dhulka ah maalmo dhan iyagoo aan heysan cunto ama hoy.

Magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaa weli socda maalintii saddexaad ee xabbad-joojin saddex maalmood ah oo ku eg Khamiista gelinka dambe.  Lama oga in dagaalku bilaaban doono iyo in kale.

Dhexdhexaadinta IGAD

Qorshe ay garwadeen ka yihiin urur goboleedka IGAD iyo qaar ka mid ah waddamada deriska ayaan la ogeyn sida uu ku guuleysan karo.  Dhexdhexaadinta ayaa la doonayaa in labada dhinac ee ku dagaalamaya Sudan la isku hor fariisiyo si ay heshiis u gaaraan.

Burburka guryo la duqeeyay oo ku yaalla magaalada Khartoum.

Labada nin ee iska soo horjeeda oo kala ah taliyaha guud ee ciidanka Jeneral Abdel Fattah Burhan iyo taliyaha ciidanka RSF Jeneral Mohammed Hamdan Dagalo, ayaa illaa hadda u muuqdey kuwo ay ka go’an tahay in mkd kasta uu doonayo inuu ka adkaado kan kale.

Weli, rasaas iyo qaraxyo ayaa laga maqlayay magaalada Khartoum, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen in iska horimaadyadu ay ka jireen meelo kooban, gaar ahaan agagaarka xarumaha ciidamada iyo Aqalka Jamhuuriga ee bartamaha Khartoum iyo agagaarka saldhigyada Omdurman ee wabiga Niil.

Dadweynaha oo aad uga cabsi qaba in dagaalku dib u bilowdo ayaa billaabay inay u baxsadaan dhanka xuduudaha Masar, Itoobiya iyo xitaa Koonfurta Sudan.

Cuntadu aad ayay u adagtahay in la helo, waxaana korontadii ka go’day inta badan caasimadda iyo magaalooyinka kale. Hay’ado badan oo gargaar ayaa ku qasbanaaday inay joojiyaan howlahooda, taasoo dhabarjab weyn ku ah waddan ay saddex meelood meel dadka 46 milyan ah ay ku tiirsan yihiin gargaarka bani’aadamnimo.

Ajaaniib ka qaxday Sudan oo gaartay Algeria.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegay in afar isbitaal oo ku yaalla caasimadda uu mid ka mid ah si buuxda u shaqeeyo, waxaana uu sheegay in dagaalku uu hakiyay gargaarkii loo fidin lahaa 50,000 oo carruur ah oo ay hayso nafaqo darro.

Dad aad u tiro badan ayaa dhanka kale socod dheer oo maalinle ah ku waday saxaraha si ay u galaan meelaha dalka ka baxsan – ilaa magaalada Port Sudan ee ku taal xeebta bari ee badda cas iyo dhanka Arqin ee ka soo gala Masar ee xadka waqooyi.

Tobanaan kun oo reer Khartoum ah ayaa sidoo kale u qaxay gobollada deriska la ah ama xitaa barokac iyo xeryo qaxooti oo hore u jiray oo gudaha Suudaan ah oo ay ku jiraan dhibanayaasha iskahorimaadyadii hore.

Ugu yaraan 512 qof, oo ay ku jiraan rayid iyo dagaalyahanno, ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15-kii Abriil, iyadoo 4,200 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Suudaan. Ururka Dhakhaatiirta, oo dabagala dhaawacyada rayidka, ayaa sheegay in ugu yaraan 295 rayid ah la dilay iyo 1,790 oo dhaawac ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News