SO | EN

SO | EN

SAWIRRO: Suuqyada ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha iyo Xamarweyne oo u xiran canshuur qasab ah

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa maanta xiran labada suuq ee ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha iyo Xamarweyne, ka dib markii ganacsatadu diideen lacag canshuur ah oo lagu soo rogay taasoo ay sheegeen inay qasab tahay.

Ganacsatada oo mudaaharaad saaka ka sameeyay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegtay in askar ka socota Maamulka Gobolka Banaadir oo dooneysa lacag dheeraad ah oo canshuur ah ay xireen ganacsiyadooda.

Ganacsatada oo mudaaharaad saaka ka sameeyay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegtay in askar ka socota Maamulka Gobolka Banaadir oo dooneysa lacag dheeraad ah oo canshuur ah ay xireen ganacsiyadooda.

Waa maalinkii labaad oo Suuqa Bakaaraha oo ah kan dhaq-dhaqaajiya ganacsiga dalka oo dhan uu xiran yahay.

Degmada Xamarweyne waxaa saaka la aryaay askar qufullo wadata oo xireysa dukaamada iyadoo dumar ganacsato ah ay hor dhooban yihiin.

Degmada Xamarweyne waxaa saaka la aryaay askar qufullo wadata oo xireysa dukaamada iyadoo dumar ganacsato ah ay hor dhooban yihiin.

Ganacsatada ayaa ku baaqay in laga daayo culeyska lasoo saaray ee ah canshuurta dheeraadka, iyagoo sheegay in wixii canshuur ah lagala hadlo Rugta Ganacsiga.

 

Illaa hadda ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka oo ku aaddan xaaladda cakiran ee saameysay labada suuq ee ugu weyn Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News