KISMAAYO (Kaab TV) – Suxufiyiinta ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta isugu yimid duco iyo akhrinta Qur’aanka Kariimka ah oo ay u sameeyeen wariye Abshir Khaliif Shidane, kaas oo xalay lagu dilay magaalada.
Suxufiyiinta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo bahda warbaahinta ee uu ka baxay marxuumka, iyagoo muujiyay sida ay uga tiiraanyeysan yihiin falka dilka ah. Waxay sidoo kale si adag u codsadeen in si degdeg ah caddaaladda loo horkeeno askarigii lagu eedeeyay inuu dilka geystay, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan iyo badbaadada suxufiyiinta ka howlgala magaalada.
Dilkan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga iyo badqabka wariyeyaasha ka shaqeeya Kismaayo.

