SO | EN

SO | EN

Saxafi xalay Saqdii Dhexe Gurigiisa oo ku yaalla degmada Boondheere lagala baxay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Wariye Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jakaarta) oo ka tirsan Shaqaalaha warbaahinta Risaala. ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay Saqdii Dhexe abaare 3:00 Habeenimo Gurigiisa oo ku yaalla degmada Boondheere lagala baxay sida ay shegayaan wararka kala duwan.

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka ee NISA oo wata Gaari ayaa Gurigiisa ku weerarray weriyaha waxayna halkaas ka wateen C/qaadir Jakaarta sida ay noo sheegeen Qoyska Weriyaha Gurigiisa oo ku yaalla degmada Boondheere lagala baxay.

“Maamulka Warbaahinta Risaala Media ayaa canbaarey falka afduubka iyo sharci darrada ah ee lagula kacay Weriye C/qaadir Jakaarta waxaan dalbanayaan in si degdega xoriyadiisa loogu soo celiyo” ayuu yiri maamulaha guud ee Risaala Media Maxamed Cabduwahaab.

Jahwareer ayaa ka dhashay halka ay la aadeen Saxafigaas Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka ee NISA.

Ma cadda waxa lagu haysto Wariye Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jakaarta) iyadoona laamaha amniga aanay weli ka hadlin xariggiisa.

Somaliya ayaa lagu tilmaamaa mid ka mida dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News