SO | EN

SO | EN

Saylac oo deggan iyo rabshadihii lagu eedeeyay Jabuuti iyo Muqdisho

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Waxaa saaka oo Jimce ah xasiloon magaalada taariikhiga ah ee Saylac ka dib markii shalay halkaasi ay rabshado ku dhexmareen dhallinyaro kasoo jeedda beelaha Ciise iyo Samaroon.

Ciidanka booliska ee deegaanka ayaa ku guuleystay inay joojiyaan rabshadda oo ka billaabatay ka dib markii dhallinyaro kasoo jeedda beesha Ciise ay ku dhawaaqeen inay degmada Saylac ku qabsanayaan xuska Xeer Ciise oo ah xeer taariikhi ah kaas oo ay dhowaan hay’adda UNESCO u aqoonsatay mid ka mid ah xeerarka taariikhiga ah ee lagaga dhaqmo Geeska Afrika.

Beesha Samaroon (Gadabuursi) oo ay wada degaan Ciisaha ayaa la sheegay in dad ka mid ahi ay ka hor yimaadeen munaasabadda beesha Ciise dhigan lahaayeen. Waxayna taasi isu rogtay rabshad gacan ka hadal gaadhay.

Ma cadda inuu jiro khasaare, hase ahaatee booliska ilo ka tirsan ayaa xaqiijiyay inay qabqabteen dhallinyaro ka mid ahaa kuwii rabshada sameeyay, ayna xabsiga dhigeen.

Odayaal kasoo jeeda beesha Ciise oo casarkii shalay hadlay ayaa ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cabdi Aw-Cali inuu dhallinyarada u igolaaday inay soo galaan magaalada, oo ay rabshad ka sameeyaan.

Madaxweyne ku Xigeenku weli kama hadal eedeymaha loo jeediyay.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland ayaan weli ka hadlin rabshada ka dhacday Saylac.

Ilo amni ayaa Kaab TV u sheegay in Somaliland ay ciidan dheeraad ah u dirtay Saylac si loo adkeeyo amniga degmada taariikhiga ah.

Odayaal beeleedka gobolka Awdal waxay ku eedeynayaan in rabshadahan laga soo abaabulay Jabuuti iyo Muqdisho, iyaga oo sheegaya inuu qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda Muqdisho ee ka dhanka ah wadajirka shacabka reer Somaliland.

Waa maxay Xeer Ciise?

Xeer Ciise waa xeer-dhaqameedka (customary law) ay isticmaalaan beelaha Ciise oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka u dhexeeya Jabuuti, gobolka Soomaalida Itoobiya, Somaliland (Saylac iyo Lughaya), iyo dalka Eritrea.

Xeerkan waa xeer dhaqameed lagu hago nolol maalmeedka bulshada, oo ku saleysan xallinta colaadaha qabiilka, kala celinta magta, guurka iyo qoyska, dhowrista daaqa, xoolaha iyo beeraha.

Xeer Ciise waxaa fuliya oday dhaqameedka iyo cuqaasha oo bulshada u ah garsoore. Waxaa lagu yaqaan inuu yahay mid ka mid ah xeerarka ugu nidaamsan ee soojireenka Soomaaliyeed, waxaana lagu qoray af-soomaali iyo af-Faransiis intii lagu jiray gumeystihii Faransiiska ee Jabuuti, taas oo ka dhigtay mid si rasmi ah loo diiwaangeliyey.

Waxaa kale oo Xeer Ciise caan ku yahay inuu noqday hab sharci oo mideeyey beesha Ciise meelkasta oo ay joogaan, taasoo si weyn uga caawisay ilaalinta midnimadooda iyo maqaamkooda siyaasadeed ee gobolka.

Bishii December 2024, hay’adda UNESCO si rasmi ah ayay u aqoonsatay Xeer Ciise inuu yahay dhaxalka dhaqameed ee aan la taaban karin (Intangible Cultural Heritage of Humanity) ee beelaha Somali-Issa (Ciise) ee ku sugan Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Magaalada Saylac

Saylac waa magaalo taariikhi ah oo ku taal waqooyi-galbeedka Gobolka Awdal, Somaliland), oo saaran xeebta Badda Cas, xadka u dhow Jabuuti.

Saylac waxay ahayd caasimaddii Saldanaddii Adal (Adal Sultanate).
Saylac waxay ahayd caasimaddii Saldanaddii Adal (Adal Sultanate).

Saylac waxay ahayd caasimaddii Saldanaddii Adal (Adal Sultanate) qarnigii 13aad ilaa 16aad iyo xaruntii ganacsi oo muhiim ah oo isku xirta Carabta, Bariga Afrika, Hindiya iyo Turkiga (Ottoman).

Dekedda Saylac ee qadiimiga ah waxaa laga dhoofin jiray xoolo, cusbo, dahab, foox, iyo addoomo. Islaamka Geeska Afrika wuxuu si weyn uga faafay xeebaha Saylac, halkaas oo culumo iyo shareecado laga soo saaray. Waxay ku taal meel ku dhow xadka Jabuuti, waxayna leedahay dekad dabiici ah oo qadiimi ah.

Waxaa dega beelaha deegaanka ee Ciise iyo Gadabuursi, iyo sidoo kale qabiilo kale oo Soomaaliyeed oo taariikh ahaan halkaasi ku noolaa.

Saylac waxay markale soo gashay wararka caalamka ka dib markii sannadkii hore bilawgiisii ay Somaliland iyo Itoobiya wada galeen heshiis is faham ah oo ay Itoobiya ku dooneysay deked ay ka kireysato Somaliland, taas oo la sheegay inay u badan tahay inay noqoto Saylac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News