SO | EN

SO | EN

Senator katirsan baarlamaanka Kenya oo musuq maasuq looxiray

|

Nairobi (KAAB TV) – Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa xabsi dhigay senator katirsan baarlamaanka dalkaasi, kaas oo lagu eedeeyay in uu ku kacay falal la xariira musuq maasuq lacageed iyo wax isdaba marin.

Sidoo kale, Senator Jackson Mandago ayaa lagu eedeeyay inuu is daba mariyey ku dhawaad ​​toddobo milyan oo doollar, oo laga lunsaday sanduuqa waxbarashada caalamiga ah, waxaana senatorkan ku socda baaritaano la xariira dambiga lagu soo eedeeyay.

Dhank kale, Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in senatorka iyo saddex ruux oo kale wajahayaan lunsasho lacag badan oo loogu tala galay horumarinta waxbarashada, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay xubnahan ku takrifal awood xafiiseed.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay cid kasta oo xaday ama ku takrifashay dhaqaalaha loogu tala galay barnaamijka waxbarashada dibadda looga fadhiyo in lacagtaasi soo celiyaan ama cawaaqib xun la kulmi doonaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News