SO | EN

SO | EN

Senator katirsanaa aqalka sare oo ku geeriyooday gudaha dalka Turkiga

|

Muqdisho (KAAB TV) – Allaha u naxariistee waxaa maanta dalka Turkiga ku geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf oo loo yaqaanay (Gaagaab), kaas oo kamid ahaa xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaannada maamulka Puntland.

Sidoo kale, geerida senatorka ayaa timid kaddib markii, maalmihii lasoo dhaafay uu xaalad caafimaad ujoogay dalka Turkiga gaar ahaan isbitaal ku yaala magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Dhanka kale, Geerida Senatorka ayaa waxaa xaqiijiyayay xubno kamid ah ehelladiisa iyo mas’uuliyiin dowladeed oo ka tacsiyeeyay geeridiisa.

Marxuumka ayaa horay usoo noqday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamul goboleedka Puntland iyo sidoo kale wasiirka maaliyadda ee maamulkaasi.

waxa uu sidoo kale, soo noqday guddoomiye KMG ah ee Golaha Aqalka, isaga oo hoggaamiyay golaha, kahor inta aan la dooran guddoomiye Cabdixaashi Cabdullaahi maadaama uu ahaa Senatorka ugu da’da weynaa xubnaha golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare  waxay Ilaahay SWT u waydiinayaan inuu jannadii fardowso ka waraabiyo marxuumka, qoyska, qaraabada iyo ehelada uu samir iyo iimaan ka siiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News