SO | EN

SO | EN

Shabaab oo fursad ka helaya xiriirka xumaaday ee Soomaaliya & Itoobiya.

|

Muqdisho (KAAB ) Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo xumaaday ayaa keenay walaac badan oo laga qabo khatarta ku imaan karto amniga wadamada gobolka oo ay ku jiraan labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa la saadaalinayaa in xiriirka labada dal oo xumaaday durbadiiba ay keentay in fursad ay helaan kooxda Al- Shabaab oo ay bilaabeen in ay is aruursadaan si ay qaadaan weerar.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Is bedelada Cimilada, Aadam Aw-Xirsi ayaa ayaa ka mid ah dadka qaba in dhibaato amnig ay ka dhalan karto xiriirka xumaaday ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu yiri Aw Xirsi.

“Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee xumaaday waxa uu durba u abuuray Al-Shabaab fursad ay ka faa’iideysato ‘’ ayuu ku qoray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Is bedelada Cimilada Adan Aw Xirsi
Intaas waxa uu raaciyay.

‘’Maqnaashaha xiriirka iyo wada-shaqeynta hufan ee u dhexeeyey saraakiisha laamaha amniga ee labada dhinac waxa ay majaxaabinayaan dadaalladii amni ee wadajirka ahaa, waxa ayna horseedayaan in ay daciif noqoto xogihii sirdoon ee ay wadaagi jireen halka ay hoos u dhacayso awooddii ay u lahaayeen in ay si deg deg ah, wax ku ool ah uga jawaabaan halista weerarrada argagixisada.”

Si kastaba quburada dhanka amniga ayaa sidan oo kale qaba in kooxda Al- Shabaab ay ka faa’idaysan karto xiriirka xumaaday ee dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa khilaafkooda gaaray meel aad xun ka dib markii Itoobiya ay la macaamishay , Somaliland , taas oo keentay cara badan in ay ka dhalato.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News