Muqdisho (KAAB ) Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaada ah ka badbaaday qarax miino oo ka dhacay waddada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho .
Qaraxan waxa ku dhintay laba qof oo shacab ah waxaa ku dhaawacmay ilaa todobo qof oo ka ag dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay
Taliyaha ka badbaaday qaraxa ayaa ahaa Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Abdulle Taliyaha Guutada ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Muhiimka ah ee VIP ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed.
Ammaanka caasimada ayaa faraha ka sii baxaya waxaana muuqanaya in magaalada ay ku soo badanayaan dilalka qorshaysan iyo qaraxyada lala eegto saraakiisha Dowladda Soomaaliya.