SO | EN

SO | EN

Shacab ku xayirmay Garoonka Muqdisho kadib markii Xasan Sheekh uu kireystay diyaaradooda

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Soddomeeyo ruux oo u badan reer Jowhar ayaa saaka ku xayirmay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu kireystay diyaaraddii ay raaci lahaayeen oo markaasi taagneyd garoonka.

Rakabaabka diyaaradda qaarkood ayaa u sheegay KAAB TV in safarkooda la hakiyay, ka dib markii hawlwadeennada diyaaradda ay ku wargeliyeen in diyaaradda ay qaadday Xasan Sheekh Maxamuud oo kireystay.

Diyaaradda ayaa waxaa iska lahaa Shirkadda Jubba Airways.

Tiket-ka diyaaradda saaka rakaabkeedu ku xayirmeen Muqdisho.

Sida ku cad tikityada ay rakaabka haystaan, waxaa qorshuhu ahaa in duulimaadka Muqdisho-Jowhar uu kicitimo 8:00am saaka oo Talaado ah. Duulimaadka ayaa tirsigiisu ahaa 3j849.  Dadka rakaabka ayaa lagu wargeliyay inay garoonka soo galaan marka lasoo tukado Salaadda Subax.

Hase yeeshee, waxay wax walba isbedeleen ka dib markii uu garoonka soo galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kireystay diyaaradda. Madaxweynaha ayaa isaguna u duulay magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiinta Shirkadda Jubba Airways ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qiimaha lacagta uu madaxweynuhu ku kireystay diyaaraddan uu geligiis u raacay Jowhar. Balse, shaqaalaha shirkadaha duulimaadyada ayaa ku qiimeeyay illaa US$ 7,000 (toddobo kun doolar). Waxaa intaa dheer lacagta sugitaanka oo halkii saac ay diyaaraddu soo dalacdo USD $600 (lix boqol doolar).

Dadka saaka garoonka ku xayirmay ee diyaaradooda uu kireystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku jira dad waayeelo ah oo deegaankooda u socday iyo qaar shaqooyin muhiim ah ugu baxayey Jowhar.

Xaaladda amniga oo liidata iyo halista weli ka jirta waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar oo weeraro dhimasho sababay ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab ayaa kalifaya in dadweynuhu ay miciin-bidaan safarka hawada oo ah kan ugu amnisan badi gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Madaxweynaha laftiisa ayaa u bareeri waayey halista safarka waddada Muqdisho iyo Jowhar waana taas midda keentay inuu saaka kireysto diyaarad shacab Soomaaliyeed oo xaalado kala duwan ay heystaan u qaadi lahayd magaalada Jowhar.

Madaxtooyada Soomaaliya marna kama hadasho lacagaha lagu kireeyo diyaaradaha oo ay madaxda qaataan, iyadoo ay jirtay in horey la isugu qabsaday lacago gaaraya boqollaal kun oo la sheegay in diyaarado lagu kireeyay intii u dhexeysay 2021 – 2022 taasoo qiimaha aad loo sicir barariyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News