SO | EN

SO | EN

Shacabka Muqdisho oo ka hadlay doorasho qof iyo cod ee Banaadir

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa aragti ka dhiibtay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

Qabashada doorashadan ayaan weli caddeyn siday ku suurtagali karto.

Hase ahaatee dadweynaha aan weydiinnay aragtida ayaa Kaab TV u sheegay aragtiyo iska horjeeda.

Dadweynaha qaarkood ayaa qaba in xilligan aysan suuragal ahayn in la qabto doorasho qof iyo cod ah, maanta weli aysan sugeyn xaaladda amniga, isla markaana ay taagan yihiin khilaafaad u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.

Dadka qaarkood ayaa sheegay inay doorashada suuragal tahay, lagana qaban karo meelo kooban oo ay dowladda federaalka gaari karto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News