SO | EN

SO | EN

Shacabka Muqdisho oo u mahadceliyey Dawlada Mareykanka Kadib Cadaadiskii Bakhaarkii la jabsaday

|

MUQDISHO (Kaab TV) Dowladda soomaaliya ayaa markii ugu Horeysay Qiratay jabsiga  bakhaarkii WFP kaas oo ku yaalla gudaha Dekedda Muqdisho  Bayaan saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ku taariikhaysan 26-ka Janaayo 2026, ayaa lagu sheegay in dowladda ay si buuxda u qaadatay mas’uuliyadda dhacdadaas, islamarkaana ay ka xuntahay sida ay wax u dhaceen.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in si loo hubiyo in gargaar bani’aadannimo si ammaan ah oo aan carqalad lahayn u sii socdo, WFP loo diyaariyay bakhaar ka weyn oo ka habboon kii hore, kaas oo ku yaalla gudaha Dekedda Muqdisho, si loo fududeeyo kaydinta iyo qaybinta raashinka.

Bayaanaka ayaa lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sanado badan xiriir iyo wada-shaqeyn dhow la lahayd WFP, gaar ahaan dhinacyada howlgalka iyo saadka, balse ay muhiim tahay in la xoojiyo wada-xiriirka iyo is-dhaafsiga xogta ee u dhexeeya dowladda iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada muqdisho ayaa arigtidooda ka dhiibtay waxana qaar kood amaan u jeediyeen Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News