SO | EN

SO | EN

Shacabka oo firxanaya ka dib weeraradii Al-Shabaab ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

|

JOWHAR (Kaab TV) – Al-Shabaab ayaa sheegtay inay hub iyo gaadiid dagaal ku qabsatay weeraradii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa si lama filaan ah ku soo weeraray deegaanka Aboorey oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Macawisleyda ee beesha Xawaadle.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaalka ku dileen qaar ka mid ah macawisleyda, ayna qabsadeen gaadiid dagaal.

Saraakiil ka tirsan macawisleyda ayaa dhankooda sheegay inay rag kaga dhinteen dagaalka, hase ahaatee, ay dileen qaar ka mid ah kooxihii dagaalka soo qaaday.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa weerareen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo la sheegayo in dadkii shacabka ahaa ay ka barakacayaan.

Sawirro ay ku faafiyeen baraha bulshada ayaa muujinaya gawaarida dagaalka iyo kuwa xamuulka ee ciidamada oo qaarkood la gubay.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa shalay (Talaado) hiirtii waaberi galay deegaanada Ceel Axmed iyo Al-Kowthar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo illaa hadda ay ku sugan yihiin.

Waxayna xaalad cabsi ah ka taagan tahay degmada Aadan Yabaal, oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawisleyda ay joogeen.

Qof deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in dadka rayidka ee joogay Aadan Yabaal ay bilaabeen inay degmada ka firxadaan iyagoo kacabsi qaba in dagaal uu ka dhaco, maadaama Al-Shabaab ay yimaadeen deegaano u dhow Aadan Yabaal.

Al-Shabaab waxay sidoo kale horay u heysteen degmada Ruun Nirgood ee Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa toddobaadkii hore qabsaday deegaannada Ceel Baraf, Cali Fooldheere, Ciid-Ciidka, iyo Miir Tuugo, halkaasoo weli ciidamada dowladdu aysan dib ugu laaban.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya illaa hadda kama hadlin dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab iyo deegaanada ay qabsadeen.

Sidoo kale, waxaa weli aamusan maamulka Hirshabeelle, iyadoo Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka maqan yahay magaalada Jowhar.

Dhanka Jowhar, ciidamada beryahan dhaqdhaqaaqyo ka wadeen deegaanka Xawaadley, waxaana saraakiisha ciidamada dowladdu aysan weli ka hadlin dhaqdhaqaaqyadooda.

Dhanka kale, Wasaaradda Warfaafinta ayaa qoraalo ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay in weerarada lagu dilay xubno ka mid ah Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News