Hargeysa (KAAB TV) – Somaliland waxaa saaka loo dareeray doorashada madaxtinimada oo ay ku baratamayaan xilka madaxtooyada murashixiinta saddexda xisbi iyo toddoba urur siyaasadeed.
Sidoo kale, dadweyne fara badan ayaa saaka safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta magaalooyinka hoos taga maamulkaas si ay codadkooda u dhiibtaan.
Musharaxiinta Madaxweynaha ugu cad cad ayaa kala ah Madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi oo hoggaaminaya Xisbiga Kulmiye iyo musharaxa C/raxmaan Ciro oo horkacaya Xisbiga Wadani, Feysal Cali Waraabe oo horkacaya Xisbiga UCID ayaa soo sadaxeeya.
Muuse Biixi oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Somaliland ayaa ugu baaqay dadka iney si nabad ah ku codeeyaan, lana ilaaliyo nabadgelyada iyo kala dambeynta.
Sikastaba, doorashadan oo ah tii afaraad ee nooceeda ah ee ka dhacda Somaliland, marar badanna dib u dhacyo ay ku yimaadeen ayaa ku soo aadeysa xilli xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiskii is-fgarad ee badda ee Somaliland iyo Ethiopia ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo, ay weli taagan tahay.