Muqdisho (KAAB TV) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad si habsami leh uga socda qaadashada kaararka codbixinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaana maalintii labaad degmada Shangaani ee gobolka Banaadir iska diwaangelinaaya shacabkii ugu badnaa.
Sidoo kale, Shacabka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay taariiqda yeelanaaya kaar ay ku codeyaan musharixii ay rabaana ay codkooda ku siinayaan, waxa ayna codkooda marka ugu horeysa kusoo dooranayaan golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.