MUQDISHO (Kaab TV) – Kaab TV ayaa heshey faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dadkii rayidka ahaa ee ciidanka booliska magaalada Muqdisho ku laayeen xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, magaalada Muqdisho.
Subaxnimadii Talaadada ee 6da Jannaayo 2026 ayay ciidan hubeysan oo ka tirsan booliska gobolka Banaadir, kuna hubeysan hubka culus iyo gaadiidka dagaalka weerar ku qaadeen shacab dhigaayay mudaaharaad looga horjeedo dhul boob la doonaayay in xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile laga fuliyo.
Sida ay Kaab TV u sheegeen odayaasha Dayniile waxay ciidamada rasaas u adeegsadeen shacabka dhigaayay mudaaharaadka, taasoo dhalisay in 6 ruux ay dhintaan, illaa 14 kalana ay dhaawacmaan.
Muuqaaalo laga duubay goobta ayaa muujinaya rasaas culus oo goobta ka dhacaysa xilli ay shacabka xaafadda Warlaliska sameynayeen mudaharaadka ay kaga horjeedaan in dhulkooda la boobo, isla markaana la barakiciyo.
Dhallinyarada ayaa iyaguna tuurayay dhagxaan xilli ay rasaasta socotay.
Cabdi Maxamed oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadka la aasay Khamiistii iyo Jimcihii, halka dhaawacyada an ku jiraan isbitaalo.
“Waxaa ku jira dadka dhaawacmay wiil lagu magacaabo Cabdiraxmaan oo rasaastu beerka goysay, dhakhaatiirtuna waxay ka deyrinayaan xaalkiisa oo gudaha dalka waxba loogama qaban karo,” ayuu yiri Cabdi Maxamed.
Odayaasha dhaqanka, haween iyo qoysaska dhibbanayaasha ayaa Khamiistii shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho waxayna dalbadeen in deg deg loo soo qabto askartii dadka shacabka ah ku leysay Dayniile.
“Waxaan codsanaynaa in dadka dhaawacmay wax loo qabto, dadkii la laayayna lasoo qabto kuwii toogtay,” ayey tiri Aamina Yuusuf Sheekh oo ka mid ah dadkii ka hadlay goobta.
MAGACYADA DHAAWACYADA
1: Cabdicasiis Axmed Barre
2: Najiib Hagardiid
3: Cabdullaahi Maxamed Xasan
4: Muxsin Cisman Faarax
5: Maxamed Shariifow
6: Cabdiraxamaan Cajiinka
7: Cabdifataax Cali Cabdi
8: Cabdullaahi Maxamuud Macalim
9: Cabdiraxmaan Maanka
10: Axmed Nuur
11: Cabdiraxmaan Shamuurey
12: Cabdirisaaq Cujug Yar
13: Xaaji Maxamuud (oday waayeel ah)
14: Cabdullaahi Xasan Cagey
WEERARKA DAYNIILE
Warbaahinta ayaa ogaatay in ciidanka booliska ay wateen amarka taliska booliska gobolka Banaadir kaasoo oo amray in dadka shacabka laga barakiciyo xaafadda Warlaliska, kadibna dhulka laga iibiyo ganacsato lacag wadata oo heshiis lasoo gashay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliyaha booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar muumin oo loo yaqaano Macallin Mahdi, kana tirsanaan jiray kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ayaa toos ah amarka u bixiyay, sida ay sheegeen ilo dowladda ah.
Qoysaska dhibbanayaasha ayaa sheegay in weerarka ka dib uu soo wacay Macallim Mahdi kuna wargaliyay inaysan warbaahinta ka hadlin, oo ay ka aamusaan dhacdada dilka rayidka.
Markii wariyaashu tageen isbitaalka la geeyay dhaawacyada, waxaa jiray in ciidan boolis ah la geeyay isbitaalka, laguna amray shaqaalaha caafimaadka inaysan ogolaanin in sawirro laga qaado dhaawacyada rayidka iyo meydadka lagu laayay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile.
Taliska Booliska ayaase dhanka kale markii hore beeniyay dhimashada, walow ay markii dambe la xiriireen qoysaska kuna amreen in laga aamuso warbaahinta.

