SO | EN

Shan Beelooda oo ka horyimid tareenka Madaxweyne HSM iyo maamulkiisa

|

MUQDISHO-Tareenka Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan weli sanad jirsan ayaa wajahaya caqabado waaweyn oo ay kamid tahay amni-darro iyo kacdoon lagu diidan yahay nidaamka dowladda cusub oo ay garwadeen ka yihiin qabiillo Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ku matala Dowaladda Soomaaliya oo ka curtay gudaha dalka iyo qaar kamid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya.

Halku dhighgii madaxwayne Xasan Sheekh oo ahaa “Soomaali hishiis, dunidana hishiis la ah” ayaa hadda u muuqda mid aan ka ka dhaqan-gelin gudaha Soomaaliya, waxaana 3-dii bilood u dambeysay dhacayay shirar xoogan oo lagu diidanyahay nidaamka madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa oo lagu qabtay magaalooyiin kamid ah Soomaaliya, Nairobi iyo Addis Ababa. Beelaha soo agaasimay shirirkan ayaa dhamaatood cabasho ka ah Villa Soomaaliya.

Inkasta oo caqabadaha hadda hortaagan nabadda, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya ay yihiin kuwa aad u badan.

Warbixintan waxaan ku dul-istaagi doonnnaa qabiillada ka dagay ama ka booday tareenka Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwa jidka kusoo jira iyo caqabadaha laga dhaxli-karo haddii aysan dowladda Xal-u-helin.

1: Beesha Murursade oo ku shirsan Muqdisho ayaa tabasho ka ah dowladda Xasan sheikh iyo qaabka hadda kasocto, waxaana u muuqataa in ka degtay tareenka Xasan Sheekh Maxamuud.

2: Beesha Gaaljecel toddobaad ka hor ayay ku kulmeen Muqdisho, waxayna eedo badan usoo jeediyeen Villa Soomaaliya iyo kooxda hormuudka ka ah Dowladda, waxay na shaaciyeen in ay isaga hareen tareenka Madaxwenaha.

3: Beesha Xawaadle oo ku shiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya bishii hore waxay soo saareen bayaan ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan nidaamka dowladda Xasan Sheikh, iyagoona sheegay in aysan ku qanacsanyen sida ay dowladda wax u wado.

4: Beesha Digil & Mirifle waxay ku shireen Itoobiya iyo Muqdisho, waxayna muujiyeen in ay go’aan ka qaateen tareenka Villa Soomaaliya, kaasi oo ay sheegeen in ay wade ka yihiin koox keliya

5: Dowlad goboleedka Puntland oo matalaysa beesha Daarood horey ayay u shaaciyeen mowqifkooda ku aadan tareenka iyo dowladda Xasan Sheekh, iyagoon tareenka isaga haray bilowgii nidaamka ka curtay Soomaaliya 15-May ee sanadkii hore.

Dhammaan qabiilada tabashoonka ka qaba dowladda ee  aan soo xusnay waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu tunka weyn Soomaaliya, door muhiim ah ayay na ka ciyaari jireen dowladihii dalka soo maray. Haddi la dhageysan waayo cabshadooda waxaa suurgal ah in ay isaga haraan Dowladnimada Soomaaliya, taasi oo keeni karta caqabad aysan ka gudbi karin dowladda Soomaaliya sidda ay qabaan dadka ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News