SO | EN

SO | EN

Shan gabdhood oo Soomaali ah oo ku dhintay shir gaari oo ka dhacay dalka Mareykanka

|

Minneapolis (Kaab TV) – Shil gaari oo ka dhacay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku geeriyooday Shan gabdhood Soomaali ah.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa shantan gabdhood in saddex kamid ah ey ahaayeen walaalo isla dhashay.

Dhanka kale xiliga shilka uu dhacayay ayaa waxaa la sheegay in gabdhahaan ey ka yimaadeen dukaan ey kasoo adeegteen iyagoo waddada socdo uu gaariga dulmaray sidsna ey goobta ugu geeriyoodeen.

Mid kamid culimada Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka Sheekh Tawakal Ismaaciil  ayaa Warbaahinta uga waramay sida ey wax udheceen  wuxuu tilmaamay in gaariga dul maray gabdhahaas uu waday nin tuug ah oo soo xaday baabuurka, kaas oo doonayay inuu la baxsado.

“Gabdhuhu adeeg ayay ka yimaadeen marka shilbaa ku dhacay nin tuug ah oo gaari soo xaday ayaa waxaa weeye gabdhaha kormaray shantaba way dhinteen ilaahey ha u naxariisto saddex waa isku famil” ayuu yiri Sheekh Tawakal Ismaaciil.

‘Waala soo qabtay Ninka eedeysanaha waxaa haya booliska magacayada shanta gabdhood lama soo gudbin, laakiin waxaa la xaqiijiyay inay dhiteen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa sidoo kale dhacdadaan ka hadlay Cabdirisaaq Biixi, isla-markaana sheegay in shanta gabdhood ay ahaayeen kuwa qalin-jebinayay, isla-markaana isku diyaarinayay xafladdooda, balse ay la kulmeen shilka sababay geeriyooda.

“Waxey ahaayeen, Gabdho fiican oo waxbarashada ku wanaagsan ayay ahaayeen xilliga qalin-jebinta ayay isku diyaarinaayeen marka waa arrin xanuun leh” ayuu yiri Cabdirsaaq Biixi.

Dalka Mareykanka oo ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal, kuwaas oo geysta khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News