SO | EN

SO | EN

Shariif ‘’Dastuurka waa inuu noqdaa mid ummadeed ee ma rabno Dastuur shaqsi ‘’

|

Muqdisho (KAAB)-  Madaxwaynihii hore ee  Dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay  in nasiib darro ay tahay in fara – galin lagu hayo Guddiga   madax banaan ee Dastuurka KMG ah.

Shariif waxa u sheegay in aysan diidanayn , in Dastuurka wax laga bedelo laakiin hadda waxa  uu sheegay inay soconayaan in dib loo qoro taas oo uu sheegay inaysan ahayn mid sax  ah.

Waxa  uu intaas uu raacay Shariif  in hadda ay muuqanayso in Dastuurka waa la shaqsiyadeeyay  oo aan la ogolaynba in laga hadlo waqtiga  taas oo uu sheegay in  la doonayo inuu noqdo mid shaqsi ah.

Shariif waxa uu weerar afka ah ku qaaday xukuumadda uu hoggaamiyo Xamse Cabdi Barre oo uu sheegay in ay samaynayso talaabooyin qar iska tuurnimo ah isagoo tusaale u soo qaatay  , maqnaanshaha Wasiirka arrimaha dibada iyo kan amniga Qaranka .

Madaxwaynihii hore ayaa sheegay in  aan loo baahnayn in la dadejiyo Dastuurka taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid  baalmarsan sharciga iyo wadatashiga .

Shariif ayaa ku eedayay Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu hakiyo Dastuurka inta ay samaynayaan isaga iyo Farmaajo isku soo dhawaanshaha Deni iyo Xasan.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News