Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Sheekh Shariif: Waxa ka dhacay Laascaanood waa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada

|

Laascaanood (Kaab) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda Laascaanood oo uu maalintii 12-aad ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Shariif ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkaas oo sababay khasaare xoogleh, isaga oo soo saaray baaq ka kooban illaa afar qodob.

Waxa kale uu intaasi ku daray in dagaalka laga dhaxlayo khasaare iyo naceyb keenaya inay sii kala fogaadaan labada dhinac.

Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad maharto ah iyo burbur hantiyadeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay in ay fara-geliso xiisadda Laascaanood, ayada oo mareysa dhanka siyaasadda iyo diblumaasiyadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo sii hurineysa xiisadda ka taagan gudaha magaalada Laascaanood.

Waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah ayuu raaciyay.

𝗕𝗶𝘀𝗺𝗶𝗹𝗹𝗮𝗵𝗶, 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗟𝗮𝗮𝘀𝗰𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗱

Waxaa ayaan darro wayn u ah Soomaaliya oo idil Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo gaaray maalintiisii 12-aad iyadoo colaaddu ay sii xoogaysanayso oo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed, waxaa sii labanlaabmaya dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed ee soo gaaraya dadka aan waxba galabsan.

Hadaba annagoo gudanayna waajibka naga saran joojinta iyo xakamaynta dhiiga Umadda Soomaaliyeed ayaan markale ku baaqaynaa joojinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood si shuruud la’aan ah, waxaan xusuusinaynaa dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka Casharka ugu muhiimsan ee laga faa’iiday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Dalka Soomaaliya waa inaan beel beel kale xoog ku maquunin karin, awood ciidanna lagu gaari karin ujeeddo siyaasadeed.

Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah.

Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad maharto ah iyo burbur hantiyadeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News