MUQDISHO (Kaab TV) – Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi cusub maalmo ka bacdi markuu heshiis ay qeyb ka ahaayeen afar xubnood oo ka mid ahaa xubnaha mucaaradka Muqdisho ay la gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh.
Shariif Xasan ayaa xisbigiisa ku magacaabay Xisbiga Horumarka iyo Midnimada Qaran.
“Waxaan rabnaa in shanta Soomaaliyeed oo dhan ay soo galaan ururkaan,” ayuu ka sheegay hadal uu ka jeediyay madasha.
Ku dhawaaqista xisbi siyaasadeedkan cusub waxay timid toddobaad uun ka bacdi markii afar xubnood oo uu Shariif Xasan ka mid yahay ay heshiis ay la gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Afarta xubnood oo kala ah: Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Daahir Maxamuud Geelle, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan, ayaa la sheegay in lacag dhan hal milyan doolar uu ku laaluushay Xasan Sheekh.
Afartuba waxay ka tirsanaayeen xubnaha Madasha Samatabixinta ee mucaaradka ah.
Maanta madashii uu Shariif Xasan kaga dhawaaqay xisbiga waxaa ka hadlay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Mursal wuxuu taageeray xisbiga Shariifka, waxaana maanta la sheegay in loo doortay guddoomiye ku xigeenka ururka Shariif Xasan.
Warar Kaab TV uu ka heley ilo ku dhow Shariif Xasan ayaa xaqiijinaya in Shariifku uu qorsheynayo inuu u tartamo kursiga madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hadda uu ku fadhiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen isla markaana muddo ka badan hal sano ay dhaaftay muddada doorashada madaxtooyada dowlad gobolleedka.

