SO | EN

Sheekh Shariif: halgankii iyo naf-hurnimadii SYL waxa ay ku suntan yihiin xusuus wadareed illaa maanta dhaxal noo ah

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Dhallinyarada.

Qoraal uu warbaahinta la wadaagay madaxweyne Shariif ayuu ku yiri: 

Munaasabadan qiimaha badan ee 15-ka May oo ah Maalinta Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaan dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo.

Maalintan waxa ay markhaati muuqda u tahay adkaysiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee doorka laxaadka leh ka soo qaatay geeddi-socodka ummadda ee gobonimo-doonka, xoraynta iyo dhismaha dawladnimada.

Taariikh ahaan, halgankii iyo naf-hurnimadii dhaqdhaqaaqii dhallinyarada SYL waxa ay ku suntan yihiin xusuus wadareed illaa maanta dhaxal noo ah. Halgankii aan kala joogsiga lahayn ee ay kaga hortageen gumaysiga iyo dedaalkii ay usoo galeen sidii ay qaranimadooda u heli lahaayeen waxa ay dhabaha u xaartay xorriyada aan haysano maanta.

Geesinimada iyo himilada ay muujiyeen xubnihii 13ka dhallinyaradii SYL waxa ay illaa maanta dhiirri gelin u tahay jiilasha cusub, waxayna na xusuusinaysaa saameynta qotada dheer ee ay dhallinyaradu ku yeelan karaan masiirka ummadda markay isku duuban yihiin.

Anigoo markale amaan iyo bogaadin u jeedinaya kaalinta dhallinyarada ee Dalkeena ku leeyihiin illaa maanta, ayaa waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo in halganka madax-bannaanida iyo dawladnimada ee dhallinyarada kaliya ma’ahan taariikh hore oo Soomaaliya leedahay, balse waa arrin illaa maanta muhimadeeda leh. Dadaalka joogtada ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhinacyada waxbarashada, hal-abuurka ganacsiga, dhaq-dhaqaaqa bulshada, saxaafadda, ciidamada, iyo dowladnimada waxay tiirar dhidibbo adag leh u yihiin Soomaaliya oo barwaaqo iyo nabad ah. Waxqabadkiinu waxa ay lama huraan u yihiin kobcinta midnimada dadkeenna iyo horumarka qarankeena aan jecelnahay.

Anigoo dareensan duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan dhallinyarada Ciidamada Qalabka Sida ka tirsan iyo daryeelka liita, ayaa rabaa inaan ku dhaho waad mahadsan tihiin dhiigga aad u shubeysaan badbaadinta iyo difaaca karaamada shacabkiina iyo dalkiinna. Illaahay ha idinla garabgalo shaqadiina, hana idinka abaalmariyo camalkiina niyadda, adkeysiga iyo rajada wata, adinkoo Soomaaliya u horseedaya mustaqbal ifaya oo barwaaqaysan.

Waxaan sii wadi doonaa garab-istaagga dhallinyarada qeybaha kala duwan ee ay ka qaadanayaan adeegga dalka iyo dadka.

Hambalyo Dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtaan.

-DHAMMAAD-

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News