MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka saddexda sano ee xabsiga ah ee ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku ridday Sacdiya Macallin Cali Xasan, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in xukunka lagu riday Sacdiya uu yahay mid “xaqdarro ah” isla markaana fariin cabsi-gelin ah loogu dirayo dhallinyarada iyo dadka ka soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay tacadiyada ka dhanka ah bulshada ku nool caasimadda Muqdisho.
“Xukunka saddexda sanno ee xaqdarada ah ee lagu riday Sacdiyo Macallin Cali wuxuu la yaab ku noqday dadka Soomaaliyeed, waana farriin cabsi-gelin ah oo loo diray dhallinyarada iyo dadka ka soo horjeeda tacadiyadda ka dhanka ah bulshada caasimadda,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, inaysan u hoggaansamin cabsi-gelinta, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago dulmiga iyo cadaalad-darrada.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay xukunka Sacdiya Bajaaj mid “gaboodfal ah” iyo tusaale muujinaya ku-takrifalka awoodda iyo faragelinta siyaasadeed ee lagu hayo hay’adaha garsoorka.
Kheyre ayaa sheegay in Sacdiya aysan ahayn dambiile balse ay tahay hooyo u halgamaysay quudinta qoyskeeda, isagoo xusay in duruufaha nololeed ay ku qasbeen inay ku shaqeysato bajaaj kaddib markii ay shaqo ka waysay aqoontii ay ka baratay jaamacadda.
“Sacdiya Bajaaj ma aha dambiile ee waa hooyo u halgamaysay quudinta qoyskeeda,” ayuu yiri Kheyre, isagoo intaas ku daray in cabbiridda aragtiyaha iyo dareenka muwaadinku ay tahay xuquuq uu damaanad qaaday dastuurka dalka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale sheegay in xarigga iyo xukunka Sacdiya ay dhaawacayaan kalsoonida lagu qabo garsoorka, isla markaana ay yihiin tallaabo lagu cabsi-gelinayo muwaadiniinta doonaya inay si nabad ah u cabbiraan aragtidooda.
Labada mas’uul ee hore ayaa ugu dambeyn ku baaqay in dib loo eego kiiska Sacdiya Macallin Cali, iyagoo ku tilmaamay xukunka lagu riday mid ka hor imanaya caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta.

