SO | EN

SO | EN

Sheekh Shariif oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan dagaalka Al-Shabaab

|

Ankara (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ay bilaabeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa shaaca kaqaaday in mowqifkiisa ku aaddan la dagaallanka Al-Shabaab uu yahay mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxa uuna garab istaag u muujiyya ciidanka qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

”Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan argagaxisada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

”Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa codsaday in aan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, waxa uuna ku baaqay in si masuuliyad ah loo waajaho dagaalka oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen.

”Markale, waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen. Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Shariif ayaa kusoo aadaya xilli madaxdii hore ee dalka qaarkood taageero iyo garab istaag u muujiyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa ayna arrintan imaaneysaa xilli dowladda ay qaaday howlgal ka dan  ah Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News