ShekhMUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo goor dhoweyd soo saaray war-saxaafadeed ayaa mdaxweynaha iyo baaralmaankaba ugu baaqay in ay ka waantoobaan qorsha maalinta beri ah lagu beddelaayo Dastuurka KMG ah.
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa madaxweyne Xasan Sheekh kutilmaamay in uu Dan kaleheen wadajirka umadda Soomaaliyeed ee uu ka shaqeynaayo dano asiga ugaar ah sida uu hadalka udhigay Sheekh Shariif.
Dhanka kale, waxa uu tilmaamay In uu madaxweynuhu uu rabo in uu awooda kala wareego baarlamaanka iyo laxisaabyan la’aanta xukuumada doorka hoggaamineed ee Reysal wasaaraha iyo hannaanka doorashooyinka gaar ahaan masuuliyada heer xukuumad iyo heer dowlad goboleed ee soo xulista guddiga doorashooyinka.
Waxa uu intaasi kudaray in ay cadeyn utahay nooca dastuur ee uu madaxweynuhu rabo, isagoona nasiib daro kutilmaamay in madaxweynuhu dhagaha kafureysto baaqyada iyo talooyinka lagu saxaayo hannaanka loo maraayo dib u eegista dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qoddobada masiiriga ah, si dalku uyeesho dastuur heshiis lagu yahay.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka labdiisa aqal ay qaadeen jid halis ku ah jiritaanka dowladnimada dalkeena, waxa uuna ugu baaqay in ay ka waantoobaan golahana ay kusoo celiyaan shaqada umadda Soomaaliyeed ay wakiilka uga yihiin.