Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uuna taageeray soona dhaweeyay doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo.
”Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo Dowlad Goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota. Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe in ay meesha ka saartay muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee madaxda dowladda Federaalku ku cadaadinayeen dowlad goboleedyadda dalka.
Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaana uga digay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ciidamada Qaranka u adeegsato danno siyaasadeed, waxa uuna soo jeediyay in laga fogaado xasarad abuurka iyo qalqalgalinta amniga deegaannada Jubaland.
Ugu Dambeyn Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) in uu kaalin mug leh ka qaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee xilligan cakiran.