Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynihii hire ee Soomaaliya oo ka hadlay xiisada dagaal ee kataagan magaalada Baraawe ee caasimada K/Galbeed.
Xiisada dagaal ee degmada Baraawe ayaa u dhexeysay ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Daraawiishta K/Galbeed.
Sheekh Shariif ayaa tacsi udiray ehelada iyo qaraabada dadkii kudhintay dagaalkaas, intii kudhaawacantayna caafimaad deg deg ah urajeeyay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in wax laga xumaado ey tahay in ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta K/Galbeed ey ku dagaalamaan degmada Baraawe, iyadoo uu cadowga geesaha kajoogo, dadkii deegaankana ey kaqaxaan guryohooda.
“Dowladda fedraalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waa inay si deg deg ah u xalliyaan xiisadda magaalada Baraawe,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee Facebook.
“Ma ahan wax la aqbali karo, waana in laga hor tago in markale ay qaxaan Shacab Soomaaliyeed,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Shariif Axmed.
Dhanka wuxuu sheegay ciidamada kudagaalamaya Baraawe in ey ujiheystaan dagaalanka Al-Shabaab.
Hasayeeshee, dagaalka Baraawe ee u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la xaqiijiyay in ey ku dhinteen illaa dhowr iyo toban qof oo labada dhinac ah, walina xiisada ey taagantahy.