Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka xumaaday in khudbaddii uu maanta ka jeediyay Barlamaanka laga baahin waayey telefishanka ay leedahay dowladda.
Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku caddeeyay dhacdada maanta ku dhacday:
“Maanta oo Talaada ah mudanayaasha Barlamaanka ayaa lahaa kulan ay uga doodeen wax ka bedelka Dastuurka oo in mudda ah doodiisu ay socotay.
Xubnaha hadal jeedinta ka sameeyay Golaha waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna mudane ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka.
Khudbada Shariif ayaa la sheegay in laga baahin waayay Telefishanka Qaranka taas oo siyaasiin badan ay sheegeen inay aad ugu xumaadeen talabadaas ka dhanka ah Shariif.
Qoraal uu bogiisa Facebook u daabacay Shariif ayuu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in TV- ga oo ah mid bulshada u adeegaya laga joojiyo khudbadiisa.
Waxa uu aad u dhaliilay sida loo diiday , baahinta aragtida uu ka qabo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya isagoo sheegay in arintaas inuu ka hadlayo xaq u leeyahay.
HOOS KA AKHRISO.