Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo in muddo ah kamaqnaa dalka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay asigo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay maanta.
Soodhaweyntan loo sameeyay ,Sheekh Shariif waxaa qeyb ka ahaa xildhibaano, senataro iyo waxgarad, soo dhaweynta kadib waxaa munaasabad gaaban lagu qabtay garoonka waxaan hadalo ka jeediyay, xildhibaanada iyo senatarada kasoo qeyb galay soo dhaweynta.
Dhanka kale waxaa munaasabada hadal ka jeediyay Sheekh Shariif, isagoo sheegay in uu lasocda xaaladaha dalka iyo waxa kusoo kordhay taasi eytahy in laga wadahadlo si loo sameeyo wadatashi.
“Xoogaa ayaan maqnaa hadda waa soo laabtay xaaladda dalka, inkastoo an ka maqnaa wax uun waa kala socdaa inta aad sheegteen iyo in kale waxaa loo baahan yahay in lag fariisto” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Dhanka kale wuxuu sheegay, in dhawaan uu bilaabo doono dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, si looga gudbo xaaladaha hada tagaan iyadoo looga gudbi karo talooyin guud.
“Xaalado kuwaan ka adag ayaa lasoo maray, tana waxaan aaminsanahay in laga gudbaayo, taladana waa badsaneynaa fadhiya kale ayaan yeelan doonaa” ayuu yiri Sheekh Shariif.
“Dadka Soomaaliyeed rajadooda waxaa waaye iney helaan dowlad cadaalad ah, nabad, horumar qeerkood ay la tartamaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynihii hore dowladda KMG eheed Sheekh Shariif ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga aragti duwan heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee go’aanka looga gaaray doorashooyinka dalka.