MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sharaxay qaabka ay tahay in loo wajaho dhameystirka Dastuurka, isagoo ku adkeystay in madaxweyne waqtigiisu dhammaaday uusan wax door ah ku lahayn wax ka beddelka ama dhammeystirka Dastuurka.
Wuxuu ka digay in xaaladda hadda jirta ay dalka gelin karto ciriiri siyaasadeed, isaga oo xusay in Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa waqtigoodu dhammaaday.

