Shilka ayaa dhacay kadib markii gaari uu watay askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la sheegay inuu qaraabo dhow la yahay madaxweynaha Puntland uu ku dhacay mooto bajaaj abbaare 11: 00pm habeenimo ee xalay.
War kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in askariga geeriyooday, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed, uu ka mid ahaa dhalinyarada dhawaan ku soo biiray ciidanka.
Askariga sababay shilka oo la sheegay inuu cabsanaa maandooriye, islamarkaasna hubaysnaa ayaa markii falka dhacay kaddib isku dayay inuu baxsado, isagoo iska caabiyay ciidamo kusoo baxay, taasoo keentay in dhaawac fudud loo geysto ka hor inta aan la qaban.
Laanta CID-da ayaa bilaabay baaritaanka rasmi ah oo ku aaddan sababta shilkaan ka dambeysay.

